Xaalad Qatar ah oo soo wajahday Ra’iisul wasaaraha.Dalka xasan cali kheyre + warar sir ah oo la helay

0
2183

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Muqdisho ka wadaan kulamo ay kaga soo horjeedaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre waxaana la ogaaday in qorshe cusub ay u bandhigayaan Dowlada Imaaraadka oo laga doonayo inay maalgaliso Mooshin culus oo laga diyaarinayo Ra’iisul wasaaraha.

Qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay kulamo ka dhan Ra’iisul wasaare Kheyre waxaana arintan ay ka dambeysay ka dib markii uu Albaabka ka xirtay Kheyre Xildhibaano badan oo sabab u ahaa inuu xilka iska casilo jawaari, waxayna ka caroodeen balanqaadyo uu u sameeyay Ra’iisul wasaaraha uu kaga baxay.

Dowlada Imaaraadka ayaan la ogeyn Jawaabta ay ka bixin doonto qorshahan cusub oo ay u bandhigeen Xildhibaanadan, waxaana laga yaabaa inay fursad weyn u aragto Imaaraadka maadaama khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo Madaxda Dowlada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku qasbanaaday inuu xiriirka u jaro Xilhibaanadan ka dib balanqaadyo uu sameeyay uu ku guul dareystay inuu fuliyo waxayna arintaasi keentay inay ugu hanjabaan in Mooshin ay xilka kaga qaadi doonaan

FARIIN NOO DHAAF