XOG; Shariif Xasan oo Heshiis qarsoodi ah kana careysiinaya DF la galay Imaaraadka Carabta(Aqri)

0
1084

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo si hoose noola hadlay ayaa qiray in Maamulka Shariif Xasan uu Heshiis qarsoodi ah la galay Imaraadka Carabta oo ku aadan in lagu wareejiyo illaha dhaqaalaha ugu muhiimsan Maamulkaasi.

Safar uu Shariif Xasan ku tagay magaalada Dubai,ayaa lagu sheegay inuu Heshiiskaasi ku dhacay,wuxuuna Shariif Xasan Imaaraadka Carabta kula soo soo heshiiyay in laga taageero Maalgelin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha Maamulka Koonfur Galbeed si dhaqaalaha ka soo baxa saami loogu qeybsado.

Illo wareedyo ku sugan magaalada Baydhabo kuna dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Heshiiskan aysan raali ka ahayn Dowladda Federaalka,islamarkaana la doonayo in si qarsoodi ah looga dhaqan geliyo deegaanada Koonfur Galbeed.

Xiriirka Imaaraadka iyo Dowladda Federaalka ayaa Wanaagsaneyn,waxaana dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World oo Heshiis la gashay Maamulka Somaliland oo ku aadan Dekadda Ber bera.
Maamul Gobolleedyada dalka ayaa Dowladda Federaalka kula coloobay Xiisadii khaliifka iyo Go’aanka Dowladda Federaalka ka qaadatay.

FARIIN NOO DHAAF