DAAWO : Al Shabaab oo Soo Bandhigtay Magaca & Qabiilka Ninka Isku Qarxiyay Duleedka Kismaayo

0
816

Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay magaca ismiidaamiyihii isku qarxiyay ciidamadii Jubbaland we kusugnaa duleedka magaalada Kismaayo gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Baar Sanguuni oo saldhig ay ku lahaayeen Ciidamada Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ismiidaaminta ahaa ay ku dishay inkabadan 50 askari oo ka tirsnaaa ciidamada Jubbaland ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ee ku yaala deegaanka Baar Sanguuni.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUQALKA

Idaacadda Andalus ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in howlgalka ismiidaaminta ahaa uu fuliyey dagaalyahan lagu magacaabo Yuusuf Cumar Cali oo ku magacdheer Foorto kaas oo ahaa ismiidaamiye 24 sano jir ahaa oo ka dhashay beesha Wacdaan Cusmaan.
Weerarka ismiidaaminta ahaa ayaa waxaa ka horeeyay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday ciidamo isugu jiray Somali, Kenyan iyo Mareykan kaasoo ay ku dishay askari Mareykan ah isla markaana ku dhaawacday 4 kale.

FARIIN NOO DHAAF