XOG: Kheyre oo Xil culus ku qancinaya Habargidir si ay u damiyaan arinta CC Shakur

0
379

Sida ay ogaatay wakaalada Warqaad.com Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya in Odayaasha Beesha Habar gidir uu ku qanciyo in la siiyo Wasiirka arimaha gudaha oo tan iyo markii xukuumada la dhisay ay ku cadaadinayeen Kheyre.

Odayaasha Beesha Habar gidir ayaa hore kaga dalbaday Kheyre inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golahiisa wasiiradda taasoo oo suurta galineysa inay dib u helaan Wasiirka arimaha gudaha oo ah jagada ay doonayaan, iyagoo aan ku qanacsaneyn Wasiirka arimaha dibada uu hayo Yuusuf Garaad Cumar oo ay doonayaan in xilka laga qaado.

Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya inuu isku shaandheyntan ku damiyo xiisada ka dhalatay arinta Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur oo Beesha Habar Gidir ay ka taagan tahay mowqif adag.

Odayaasha Beesha Habar gidir ayaa ku adkeystay inay wadayaan mucaaradka ay ku yihiin Xukuumadda ilaa iyo inta ay ka helayaan Labo Xil oo ay u arkaan inay muhiim u yihiin Beeshooda.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogeyn waxa ay ka dhihi doonaan Beesha Habar Gidir qorshaha uu wado Ra’iisul wasaare Kheyre.

FARIIN NOO DHAAF