Wararkii ugu danbeeyay Xiisad u dhaxeysa Ciidamada Kenya & dad Shacab ah oo ka taagan Beled-xaawo

0
1002

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xiisad u dhaxeysa dad Shacab ah iyo Ciidamo Kenya ay ka taagaan tahay Xadka u dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xiisadan ayaa timid, kadib markii Dowladda Kenya ay dib u bilaawday dhismaha Darbiga ay ka dhiseyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Zeytuun Maxamed Shire oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in shacabka iyo Ciidamada ay isku dhaceen, islamarkaana iska hor imaad uu ka dhacay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo

Waxaana ay tilmaamtay in shacab fara badan ay ku xoomeen Ciidamada Kenya, kuwaas oo bur buriyay gawaari ay lahaayeen Ciidamadaasi.

Sidoo kale Zeytuun Maxamed Shire oo la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa xustay in dhismaha darbigan uu raali ka yahay Maamulka Jubbaland.

Balse ay shacabku diidan yihiin tallabadaasi oo ay tilmaamtay in uu saameyn ku yeelanayo dhismaha darbigaasi.

Dowladda Kenya ayaa wada qorshe ay gabi ahaan ku xireyso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kadib markii Al Shabaab ay sii labo jireen weerarada ay ka fuliyaan gudaha Dalkaasi.

FARIIN NOO DHAAF