M/weyne Farmaajo oo loo sheegay inuu Talaabo ka qaado Puntland

0
1881

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland in uu jabiyay qodobo ka mid ah Dastuurka KMG.

Waxa uu sheegay in go’aanka ka soo baxay Maamulkaasi Puntland ee ay ay ku taageereen mowqifka Sacuudiga iyo Xulafadiisa ee ka dhanka ah Qatar uu yahay mid hareer marsan Dastuurka Qabyo Qoraalka Dalka.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre in Puntland ay ka mid tahay Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay  ay qeyb ka tahay Go’aanka dowladda dhexe ay u qaaday guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

Isagoo sii wata hadalkiisa Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayuu tilmaamay in siyaasadda Arrimaha dibadda loogu geed fariisanayo Xukuumadda Dhexe isagoo shaaca ka qaaday in go’aankii dhawaan ay qaadatay Puntland ee ka soo horjeeday Mowqifka dowladda Soomaaliyeed uu u muuqdo mid dano gaar ah ku qotoma sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo go’aan qaato isla markaana uusan ogolaan dhaqanka uu la timid Gaas, maadaama laga yaabo inay ku deysadaan Maamul Goboleedyada kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Mowqif Dhex dhexaad ah iska taagtay Siyaasadaha isdiidan ee wadamada Khaliijka Carabta , walow Maamullada Puntland iyo Soomaaliland ay ku dhawaaqeen go’aan ka duwan kan dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

FARIIN NOO DHAAF