Xaalad Cakiran:-Beesha Habar Gidir Oo Ka Carootay Qaabkii Loola Dhaqmay Mukhtaar Roobow.

0
1472
loading...

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya ka dib wada hadal dhex maray isaga , Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowlada.

Loading...

Qaar kamid ah siyaasiyiinta beesha Habar Gidir ayaa wada ganuunnac ka dhan ah isa soo dhiibiddii Abuu Mansuur, oo ay ku tilmaameen caddalad darro ka dhan ah Banii Aadamnimada.

Siyaasiyiinta ayaa dooddooda u saldhigay in Xasan Daahir Aways oo ahaa hoggaamiye sare oo Xisbul Islaam islamarkaana dawladda ay gacanta ku heyso, waxaana ay sheegeen in isku mid yihiin labada shakhsi, balse dawladda ay midna soo dhaweysay halka kan kalana lagu tacaddiyay.

Abuu Mansuur ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb galay madaxda dalka oo uu raisuul wasaaraha ugu horreeyo. Balse ma ahan doodda siyaasiyiinta Habar Gidir ee qaba kuwa aad u badan, hasa yeeshee ujeedkoodu waa in la cafiyo Xasan Daahir Aways oo ahaa hoggaamiye xisbul Islaam, colaad badan oo ay u qabaanna ma jirto dhanka Abuu Mansuur, keliya dawladda ayeey doonayaan in ay u sawiraan Xasan Daahir iyo Abuu Mansuur in ay siman yihiin.

Loading...
Loading...

FARIIN NOO DHAAF