Facebook oo Taariikh Cusub sameeyay Kadib Markii u helay Isticmaalayaashii Ugu Badnaa (Akhri)

0
675
loading...

Shan Sano kadib markii Facebook uu gaaray iney isticmaalaan Hal Bilyan ayaa haatan waxaa uu sameeyay taariikh kale oo cusub.

Loading...

2014-kii ayay aheyd markii Facebookj uu Hal Bilyan gaaray laakiin sanadkan ayuu hadana gaaray labo bilyan waxaana taas ay ka dhigeysa inuu yahay aaladda loogu isticmaalka badan yahay bogaga arimaha bulshadda.

“Subaxan Bulshadda Facebook waxaa uu si rasmi ah ugaaray Labo Bilyan oo qof, hindisaha ahna gudoomiyaha guud ee  Mark Zuckerberg ayaa sidaas kusoo qoray bogiisa Facebook.

“Waxaan sameyneynaa hormar ku aadan isku xirka aduunka, waxaana isku keeneynaa dhamaan aduunka”ayuu tilmaamay milkiilaha Facebook oo hadalkiisa ku daray   “Sharaf ayay ino tahay inaad halkan nala soo gaartaan”

Dad ka badan Hal Bilyan ayaa ka qeyb qaata Facebook Group bil walba halka ku dhawaad 800 oo Milyan ay jeclaadaana (Like Saaraan) waxyaabaha lasoo dhigo Facenook isku cel celis ahaan.

Sanadkii  2004 ayaa la helay  Facebook laakiin shan sano kahor ayuu gaaray inuu helo Hal Bilyan oo ciwaano shaqeynaya ah.

Inkastoo Facebook uu sheegay iney tiren 66 kun oo lasoo dhigay Facebook todobaadkii, labadii bil ee lasoo dhaafay sababo la xariira isnaceyb iyo arimo kale, hadana waxaa ay wali ka shaqeynayaan iney kahortagaan arimaha dhanka aqlaaqda.

Loading...
Loading...

FARIIN NOO DHAAF