VIDEO & SAWIRRO: Dab Xoogan oo goordhow ka kacay Dekadda Berbera & Xog laga helayo

0
1088

Waxa uu dab ka kacay goordhawayd koonteenar yaala barxada Wajaale ee dekada Berbera.

Koonteenarkan gubanaya ayaan ilaa imika la sheegin waxa sababay dabka qabsaday iyo waxa ku jira toona.

Waxaana la tacaalaya bakhtiinta dabka ka kacay Koontiinarka shaqaalaha dekada oo ay ku jiraan kuwa dabdamiska.

Xiligan ayaa waxaa sare ukaca heer kulka magaalada Berbera.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Dhawaan ayay ahayd markii koontiinar uu sidan oo kale dab uga kacay kaa soo ugu dambayntii lagu guulaystay in la bakhtiiyo.

Waxaanu dabkani noqonayaa dabkii labaad ee ka kaca dekada Berbera intii ay la wareegtay shirkada DPWorld.

FARIIN NOO DHAAF