Akhriso: Sheeko yaableh oo dhex martay ninkii maanta isku qarxiyay xarunta degmada Wadajir iyo askari canshuur ilaalliye ah.

0
18339

Sheekada Qaraxii maanta ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Gaariga Homey-da ah ee Mooska siday ayaa waxaa qabtay Askari ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada ee Canshuuraha qaada.

Waxaana uu weydiiyay Canshuur?!!

Darawalka waday Gaariga is qarxiyay ayaa yiri “ Ma Moos ayaa la Canshuuraa”?

Askarigii ayaa ku jawaabay “ Maxaa loo canshuuri waayay”?

Kadib Darawalkii ayaa ku yiri Na geey Sharciga , haddii Moos Canshuur la iiga qaado waa la arkaaye.

Askarigii ayaa inta soo raacay Homey-dii u soo kaxeeyay dhanka Xarunta degmada isagoo u sheegayay Ciidamada kale in Gaarigaan ay ka leexdaan oo dacwo loo heysto.
Sidaas ayaana lagu gudbiyay Homeydii.

Waxaana markii ay u suura gashay in ay Gudaha u gasho Xarunta degmada Wadajir Homeydu , durba Qaraxay Gaarigaas oo sidoo kale uu la socday Askariga soo kaxeeyay oo Mindhaa Komoshin ku yeelan lahaa haddii la Canshuuro gaarigaas.

FARIIN NOO DHAAF