DAAWO: Alshabaab oo si yaableh uga Hadshay Dagaalkii Af-urur kuna Faanay..

0
14441

Kooxda Al Shabaab, ayaa qiil u yeelay sababta ay aroornimadii Khamiista u weerareen saldhiga Ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin Deegaanka Af urur ee Gobolka Bari.

C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay in saldhiga Af urur uu talis u ahaa Ciidamada Puntland, ee dagaalka ka wada sida uu sheegay Buuraha Galgala iyo goobaha kale ee ku dhow dhow.

Afhayeenka, ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay xilligan qorsheynayen weeraro ay ku qaadaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ee ku sugan Buuraha Galgala, taasina ay ka dambeysay weerarka ay ku qaadeen Af urur.

Afhayeenka oo la hadlay warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa ku faanay in ay soo afjareen Ciidamadii Puntland, ee damacsanaa in ay weerarada ka gaystaan Buuraleyda Galgala.


C/casiis Abuu Muscab, ayaa ku faanay in Ciidamadii Puntland ay noqdeen wax la dilo, wax carara iyo kuwo kale oo dagaalka ku dhaawacmay.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha dagaalka ugu gaysteen Ciidamada Puntland, ayuu sheegay in ay kaga dileen 61 askari, halka 70 kalana ay kaga dhaawaceen. Askarta laga dilay Puntland, ayuu tilmaamay in ay ku jiraan saddexdii Sarkaal ee xukumeysay Ciidamada Puntland ee ku sugan aagga Af urur. Khasaaraha maleeshiyada Shabaabka soo gaaray, ayuu ku sheegay dhimashada saddex nin oo keliya.

Abuu Muscab, ayaa sheegay dagaalka in saanad militari ay ku qabsadeen. Saanadda ay qabsadeen waxaa uu sheegay in ay ku jiraan 16 gaari, oo 9 ka mida ay yihiin gawaarida dagaalka.

FARIIN NOO DHAAF